Maxaa Sabab u ah Gadoodka Hogaanka Hir-Shabelle

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Gadoodka iyo go’aanka qaadacaada ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabelle kaga biyo diiday inuu ka qeyb galo Kulanka looga hadlaayo Arrimaha Doorashada kaasoo lagu waday inuu shalay ka furmo Magaalada Mogadishu…

Sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah Warsidaha Diinah.com news, Mr.Cali Guudlaawe ayaa ku andacooday in aan laga talo gelin madashii lagu go’aaminaayay Taariikhda Kulanka, iyadoo wararku ay sheegayaan in khaladka dhacday Uu leeyahay Mr.Guudlaawe, waxaana lagu sababeeyay inuu xiligaasi Gaari gudihiis Uu kaga qeyb galaayay Kulanka fogaan araga Ee Zoom-ka habeenkii 21-Bishaan, isagoo xiligaasi Safar ugu sii socday Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Mr.Guudlaawe uu sidoo kale uu diidmadiisa u cuskaday “xadgudubyo xagga have-maamuuska” ah lagu Sameeyay intii uu socday Wada hadalada Arrimaha Doorashada, inkastoo sababtaan darteed uu dib ugu dhacay shirkaan, ayaa waxaa muuqda dadaalo lagu doonaayo in dib loogu soo celiyo Guudlaawe Gogosha taala Teendhada Afisioni.

Kulankaan ayaa muhiim u ah in la isla meel dhigo Go’aanada Doorashada iyo in xal waara laga gaaro soo af jarida caqabadaha dib wakhtiga loogu luminaayo iney Dalka ka qabsoomto Doorashada, iyadoo Mr.Guudlaawe lagu Eedeeyay inuu safaro Dibeda ah ku dalxiisaayo xili duruufo adag ay ka taagan yihiin Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

126420cookie-checkMaxaa Sabab u ah Gadoodka Hogaanka Hir-Shabelle