Kooxda Shababka Oo Eedeyn Jaajuusnimo U Toogtay Dad Rayid ah

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka ayaa fagaare ku toogtay 6-qof oo ay ku jirto Haweeney, kuwaasoo ay soo soo oogeen dembiyo la xiriira basaasnimo kula shaqeynaayay Ciidamada Mareykanka…

Wararka ayaa sheegaya in xukunka dil ah iyo fulinta toogashadaba uu ka dhacay degmada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe, iyadoo la sheegay in Horjoogaha dacwada qaaday laga soo xigtay iney qirteen 6-Qof iney howlo basaasnimo ku guda jireen, Ayaan darro sooma bandhigin caddeymo taageera sheegashadiisa.

Magacyada Dadka la toogtay:-

-Cumar Cabdulqaadir Hiiraale 36-sano jir ahaa

-Cabdi Xasan Axmed 29-sano jir ahaa

-Fartuun Cumar Abkow 36-sano jir aheyd

-Ibraahim Cumar Cali 55-sano jir ahaa

-Sadaam Cusmaan Maxamed 29-sano jir ahaa

-Aweys Xasan X.Maxamed 36-sano jir ahaa.

Bishii Maarso Sanadkaan ayeey aheyd markii ay maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka dil ku fuliyeen 5-qof oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo una shaqeynaayeen Hey’addaha mukhaabaraadka iyo kuwa Ciidamada Mareykanka, sidoo kale Maamulka Puntland ayaa shalay toogasho ku fuliyay 21-qof oo shabaabnimo lagu Eedeeyay.

126390cookie-checkKooxda Shababka Oo Eedeyn Jaajuusnimo U Toogtay Dad Rayid ah