Share the post "Maxaa Sababay in Xiligaan Ay Sare u qaadaan Qaraxyo Qorsheysan Argagixisada"
Alaaba waxey Khubaradu ku fasiraan Qaraxyadu iney qayb ka yihiin dagaalka jabhadaynta ah, iyadoo ay 10-kii sano ee ugu dambeysay ay Kooxda argagixisada Shabaabku soo bandhigaayeen Farsamooyin cusub ee Qaraxyada kana fuliyaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somalia, iyagoona u maray maraxyado kala duwan.
Xiliyadii hore Kooxdaan ayaa waxay caan ku noqdeen weerarada loo yaqaano keli-duulka, ee xubnahooda isugu qarxinayaan xafladaha iyo munaasabadaha lagu qabanayo hoteelada iyo xarumaha hay’adaha dowladda, iyagoo gacan ka helayaa Saraakiisha Amaanka, Inta ay taariikhdu qoreyso is-qarxintaasi waxay ku dileen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Gudoomiye-yaal iyo dad kaloo Rayid u badan.
Farsamooyinkaasi ayeey mar qura qaraxyadaasi u bedeleen gaadiidka walxaha qarxa laga soo buuxiyo ee lagu weerarayo hoteelada iyo xafiisyada dowladda, dabadeedna rag diyaarsanaa ay weerar toos ahi ku gelayaan goobahaasi, si ay Khasaare dhimasho badan xambaarsan u geystaan muddana la hadal hayo.
Qorshooyinkoodaasi oo aad mooddo in wa-xoogaa macluumaad laga bartay waxay keentay inay mar kale bedelaan (Farsamada) taatikadii qaraxyada. Waxaa xigtay qaraxyada/miinooyinka lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay, iyagoo markaasi beegsanaya shakhsiyaadka ay doonayaan inay bartilmaameedsadaan, kuwaasoo nooc kastaba leh iyo iney u fududaato iney ku dhex milmaan Hey’adda NISA Qandaraasyna dhaqaale xoogan ku qaataan.
Labadii bilood ee u dambeysay ayaa Kooxdaan waxey la soo baxeen farsamo cusub taasoo Naftii-haligaha Oo Ku lebisan Tuutaha Ciidamada uu ku dhego daaqada Gadiidka ay wataan kuwa Bartilmaameedku yahay, Sida lagu Dilay Agaasimihii Radio Mogadishu laguna dhaawacay Agaasimihii TV-ga Qaranka, Halka Isla farsamadaasi loo adeegsaday Af-hayeenkii Wasiirka 1-aad.
Horjoogayaasha Shabaabku oo doodoodu tahay inay dalka ku xukumayaan Shareecada Islaamka ayaa haddana, sida muuqataba aanay jidkeediiba haynin, marka aad eegto falalka bilaa qiilka, ee ay maalin kasta u daadinayaan dhiigga ummadda Muslimiinta. Culimada Soomaaliyeed ayaa horey naqdiyay oo wax aan bannaanayn ku tilmaamay dagaalka ay dalka ka wadaan, inta badan shacabkuna waxay u arkaan cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta Soomaali leedahay.