Ma Dhabaa In Muqdisho Lagu Qabanaayo Kulanka Dowlada & Dowlad goboleedyada

Somalia news

Kulan balaaran oo loogu tala galay in lagu xaliyo Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleydyada ayaa la Filaayaa inuu ka dhaco Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kaasoo sida la sheegay qabanqaabadiisa iyo amaankiisaba ay la wareegeen Beesha Caalamka…..

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in qabanqaabada Kulankaan Oo xiligaan laga diyaarinaayo Xarunta Safaarada Mareykanka, ayaa lagu wadaa in lagu Kulan-siiyo Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, kuwaasoo aan kulmin muddo dhowr sano ah Talaabadaan oo horseeday in Khalkhal iyo hakad uu ku yimaado geedi socodka Dowlada, Amaanka iyo dagaalada lagula jiro Kooxaha argagixisada.

Saaxiibada Somalia ayaa wakhti badan geliyay sidii uu u hirgeli lahaa Kulankaan, iyadoo ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii ay Dalka uga dhici laheyd Doorashada dhinacyadaan iyo Saamileyda isla oggol yihiin, inkastoo aragtidaan uu ka soo horjeedo Mr.Farmaajo.

Waxaana lagu wadaa in Goobta Kulanka iyo xareeraheeda sugida Amniga ay la wareegi doonaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Maraykan ah, iyadoona Madaxweyne Ahmed Madoobe ay keeni doonto diyaarad kuwa Ciidamada cirka ee Mareykanka, ka qeyb Kulanka ee Madaxweyne Ahmed Madoobe ayaa lagu tilmaamay iney dhabar jab ku tahay Madaxweyne Farmaajo oo siweyn uga soo horjeeday.

Warar ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida la dejin doono Hotelka Turkida Décalé Hotel ee Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, Waqtiga la qabanaayo ayaa loo badinayaa Bishaan 25 Juun 2020.

41560cookie-checkMa Dhabaa In Muqdisho Lagu Qabanaayo Kulanka Dowlada & Dowlad goboleedyada