Nooc Hogaamiye Siyaasadeed Ayaa Xiligaan Adag Somalia Ka Saari Karta Dhibaatada

Somalia news

12-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa Xukunka ku hardamaayay (Dagaalamaayay) kooxo aragtiyo kala duwan xambaarsan qaarkoodna Shaatiyo diimeed soo xirtay, kuwaasoo Aragtiyo & Dano Dibeda laga soo minguuriyay loo soo dhiibay, Kartida Hogaanka Siyaasadeed Waxaa lagu qiimeeyaa sida uu Hogaamiyahaani ula shaqeyn lahaa kuwa ka aragtida iyo dano duwan…

Sida loo maareeyo qeybahaan kor ku xusan ee saameynta leh ahna Madaxya-weynta (Elite) oo aad xooga saarto qancintooda ama Waa inaad Bulshada ka dhex gasho (Populism) Dhanka Shacbiyada indhow-garadka ah, ma badana in Hogaamiye isku heli kara Shacbiyada iyo Madaxya-weynta, waxaana Hogaamiyahaan looga fadhiyaa kala garashada awooda wax u dhimi karta iyo tan wax ku kordhin karta.

Dalka Somalia xiligaan waxey nasiib u yeesheen iney hogaamiye u xushaan Shaqsiyaad aan damiirkoodu fadhin, isla markaasna aragtidiisa u arka iney ka turjumeyso tan Shacbiga, isagoo koox gaar ah isku wareejiya isla markaasna ku naas-nuujiya Dhaqaalaha & Canshuurta Shacbiga, isla markaasna Ciidamada Qaranka ka dhigta mid uu isagu leeyahay, waana taasi halka ay sartu ka quruntay.

Hadii aan Hogaamiyuhu aragti fog ka laheyn Xaalada Dalka faham fiicana ka heysan waaqaca iyo awoodaha jira ee isku haya dunta jilicsan ee Gudaha iyo dibeda uusana awoodin inuu is waafajiyo danaha garabyada is diidan, xukashadiisuna xumaato, waxaa la gurtaa miraha ka dhasha xukunka jilicsan (Weak Leadership).

162910cookie-checkNooc Hogaamiye Siyaasadeed Ayaa Xiligaan Adag Somalia Ka Saari Karta Dhibaatada