Mareykan Oo Deeq Dhaqaale Siinaya Somalia

Somalia news

Maamulka Biden ee USA ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 200-millions oo US$ ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliyeed, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin raashin yari, amaan darro iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in kaalmadaan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo Hey’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408-millions oo US$.

War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Mr.Ned Price ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo.

Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Dalka iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

131790cookie-checkMareykan Oo Deeq Dhaqaale Siinaya Somalia