Maxaa Xiligaan Keenay Kulamada Addis Abeba ee Deni & Haraadigii Farmaajo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa kulan qarsoodi ah oo daaha gadaashiisa ay ka hageyso Dowladda Ethiopia, kaasoo la isu keenay Madaxweynayaasha Puntland, Konfur galbeed, Ra’iisul wasaare kuxigineedkii Maamulkii hore & Xildhibaan Kulane jiis kana dhacay magaalada Addis…

Kulankaan ayaa ka dhacay hoteelkii uu Saciid Dani ka degenaa magaalada Addis abeba, waxaana looga dooday qaabkii loo abaabuli lahaa dalad Mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh iyo Wasiirkiisa 1-aad, isla markaasna Hogaankeeda loo hoos geyn lahaa Farmaajo iyo Fahad oo ku wada sugan Dalka Turkiga.

Deni & Lafta gareen oo kaashanaya Sirdoonks Ethiopia ayaa in muddo ah ku mashquulsanaa sidii Xildhibaanada labada maamul iskaga kaashan lahaayeen in la diyaariyo mooshin dhan ka ah MrZamse Barre, isla markaasna culeys lagu saaro Xasan Sheekh inuu ka soo dhex xulo Muwaadin ka soo jeeda degaanada Puntland.

Khubarada Arrimaha Siyaasada ayaa ka digay in Madaxda Maamuladaan oo shaqadii loo igmaday meel iska dhigay kuna mashquulay howlo aan xiligaan loo baahneyn ay Dalka u horseedi karto qalalaase Siyaasadeed maxaa yeelay Ra’iisul waasare 100-maalmood shaqeynaayo waa laga fiican yahay in xiligaan dhaqaale lagu bixiyo abaabulka Mooshin Dalkana dan uma ahan.

228560cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Kulamada Addis Abeba ee Deni & Haraadigii Farmaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com