Maxaa u sabab ah Dhaqaale Xumida ka jirta Suuqyada iyo Magaalooyinka Dalka..

Economie Somalia news

12-kii sano ee u dambeysay waxaa Guud ahaan Suuqyada iyo Magaalooyinka Dalka ka taagnaa Dhaqaale xumi baahsan gaar ahaan awooda wax-iibsiga Shacbiga, iyadoo uu hoos u dhac weyn ku yimid awooda ay Dadka u leeyihiin wax iibsiga, waxaa kaloo yaraaday dakhliga soo gala Dadka oo ay ugu wacan tahay Shaqo la’aan baahsan…

Maxaa sabab u ah hoos u dhaca Dhakhliga iyo Dhaqaaalaha

Khubaro badan oo Soomaaliyeed ayaa rumeysan in dhinacyo dhinacyo badan oo xilligan loo aaneynaayo dhaqaale xumida iyo shiidka dalka ka jira, waxaana ugu horeeya Maamul xumida siyaasada iyo Dhaqaalaha ee Hogaanka Dalka ay sabab u yihiin, iyadoo lagu eedeeyay iney shaqaaleysiiyaan Kaadiriintooda halka Shacbiga dhabarka loo jeediyay.

Waxaa kaloo ka mid ah Dagaalada daba dheeraaday ee Dalka ka socda sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo badeecooyinka laga qaadi jiray Magaalada Muqdisho ee tagi jiray gobolada ay hoos u dhaceen sababo amaan darri, ku darsoo waxaa hoos u dhac ku yimid wax kala iibsiga gaar ahaan Dhulalka oo is-qabqabsigoodu dhiig badan ku daata & taag darrida Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

Sidoo kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid Maalgashiga & Muwaadiniintii Qurbaha ka iimaan jirtay kuwaasoo cabsi badan ka qaaday Musuqa baahsan, Ambi darrada, Qaraxyada iyo Baada Joogtada ee Kooxaha Argagixisada iyo Xoogaga Amaanka Dowladda, arrinmahaan is biirsaday waxey hoos u dhigeen dakhli badan oo ay Dalka soo galin jireen.

Shaqo la’aanta Dhalinyarada

Somalia oo tirada Dhalinyarada aad u korortay 17-kii sano ee u dambeysay, iyagoo la kulmay shaqa la’aan baahsan, fursadaha ay Dhalinyarada kaga shaqeysanayaan Dalkooda ayaa aad u yar, sanad kasta waxaa soo qalinjabiya Kumanaan Dhalinyaro ah, suuqa shaqada ayay ku soo biiraan, looma heli karo meelo ay ka shaqeystaan, waxaa kaloo ka jira Sicir barar, iyadoo uu hoos u dhac weyn ku yimid iibsiga Maciishada, taasoo culeys saartay Dadka dakhligoodu hooseeyo ee ku nool waxa maalintii ay shaqeystaan iyo Sarifka Lacagaha qalaad oo sare u kacay.

338600cookie-checkMaxaa u sabab ah Dhaqaale Xumida ka jirta Suuqyada iyo Magaalooyinka Dalka..