Fal-celin Xoogan ayaa Dhashay oo Lagu Diidan Yahay Heshiiska Is-fahan ee Ethiopia & Maamulka Somaliland..

Somalia news

Falcelin xoogan ee Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ka dhalatay Heshiiskii Is-afgaradka ee u dhaxeeyay Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosdka Somaliland ayaa galay marxalad cusub, iyadoo Dhalinyaro iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed ay ku baaqeen in Jihaad lagu difaaco Dhulka iyo Xeebta (Lughaya-Ceel-Sheikh) uu u saxiixay Muuse Biixi Dalka Ethiopia iney ka dhistaan Fariisin Ciidamadooda Badda…

Wararka laga helaayo Masaajiyada Magaalada Hargeysa ee Khudbadihii salaad Jimcaha Muwoduuc ahaan loogu soo qaatay “Dood maaha in la galyo Badeenne oo loo gacan geliyo cadaw “, waxaana ka dhashay falcelin aad u weyn oo soo jeedatay Shacbiga Soomaaliyeed Khudbadhaasi intooda badan ayaa laga jeediyay Masaajidyo ku yaal magaalada Hargeysa waxaana ka mid ahaa:-

halka Wadaadkaani uu si toos ah u eedeeyay Madaxaweynaha Maamulka Somaliland, isagoo sheegay :-

Ku Darsoo Dood ay diyaarisay Universal TV, ayaa lagu weydiiyay Wadaad su’aal aheyd iney xalaal tahay dilka Muuse Biixi:-

Isku soo wada duub, horey ayaa loogu eedeeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia inuu dhiiri geliyay iney soo shaac baxaan kooxda Argagixisada Shababka kadib markii 60-000 oo Ciidamadiisa ah ay Duulaan ay Maalgelinaayeen USA ku soo qaaday Bartamaha iyo Konfurta Somalia, Haatana waxaa Waxgarad badan oo Soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in Dhul/Xeebaha Waqooyiga Boobka Abiy Axmed ay ka dhalan doonaan Cawaaqib aan la mahdin.

Halka Beesha Ciise oo degaanka degan ayaa Odayaal ka soo jeeda War-saxaafadeed ay bixiyeen ayeey ku sheegeen iney ka soo horjeedaan Dhulka/Xeebta uu u saxiixa Muuse Biixi iney Ethiopia ka dhistaan Dekad Ciidan waxeyna sheegeen:-

298910cookie-checkFal-celin Xoogan ayaa Dhashay oo Lagu Diidan Yahay Heshiiska Is-fahan ee Ethiopia & Maamulka Somaliland..