Colaada Tigray Iyo Saameynta Ciidamada Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo tababaro ugu maqan Dalka Eritrea, ayaa la sheegay iney ka qeyb qaadanayaan dagaalada Qowmiyadeed Ee ka socda Gobolka Tigray, iyadoo ay jiraan khasaare soo gaaray….

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Maamulka muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Ee Mr.Farmaajo ayaa la sheegay inuu oggolaaday in Ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo tababaro u joogay duleedka Asmara loo qaaday Xadka Eritrea iyo Ethiopia si ay qeyb uga naqdaan dagaalada lagu qaaday Qowmiyada Tigray Ee Gobolka Waqooyiga Ethiopia.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Ciidamadaan qaarkood uu soo gaaray khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac, waxaana lagu daaweynayaa Isbitaalada caasimada Asmara Ee Eritrea, Talaabadaan ayaa khayaano Qaran iyo ceeb ku ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu ka qeyb galo colaadaha qowmiyadeed Ee Ethiopia ka socda, waxaana loogu baaqay inuu si deg deg ah uga soo saaro Ciidamadaasi furumaha dagaalka.

75420cookie-checkColaada Tigray Iyo Saameynta Ciidamada Somalia