Maxaa Waalidiinta Ku Riixay Iney Ka Guuraan Dalalka Reer Galbeedka

Somalia news

Waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool qurbaha, gaar ahaan waddamada Yurub, America, iyo Australia, ayaa qaarkood carruurta ula guura Dalalka Africa iyo kuwa islaamka, iyagoo rajo ka qaba in Caruurtooda ay u helaan barbarin ku saleysan hab waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, iyo in sidoo kale ay carruurtoodu bartaan Luqada Soomaaliga…

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhaayay welwel iyo cabsida ay Waalidiinta Soomaaliyeed ka qabaan mataqbalka Caruurtooda ku koray Dalalka Reer Galbeedka gaar ahaan USA, Canada, UK, Europe iyo Australia, si ay uga miro dhaliyaan Waalidiinta Soomaaliyeed rabitaankooda oo ku qotonta Dhaqanka Somalia iyo ku barbaarinta Diinta Islaamka.

Caruurta ayaa la sheegay iney ka soo gudboonaatay duruufo adag xagga nolosha ah, iyagoo qaarkood la sheegay iney ka mid noqdeen kooxaha gangiska Ee dhibka ku haya Bulshada, iyagana dhexdooda iska ugaarsada, waxaana la sheegay in tiro badan Oo Caruur Soomaaliyeed ayaa lagu Dilay Dalalka Sweden iyo UK.

138430cookie-checkMaxaa Waalidiinta Ku Riixay Iney Ka Guuraan Dalalka Reer Galbeedka