TIRO SOOMAALI AH OO LAGU WEERARAY DALKA CANADA

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dalka Canada, ayaa waxay sheegayaan in Dabley hubeysan ay gudaha magaalada Toronto ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Dad Soomaaliyeed oo qaxootimo ku deganaa Dalkaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ragga hubeysan oo watay gaari ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaali ah, waxaana halkaas lagu dhaawacay seddax wiil oo mid goor dambe uu dhaawacaas u geeriyooday.

Sahal Maxamed Sahal, ayaa magaciisa naloogu sheegay wiilka Soomaaliyeed ee dhaawaca ka soo gaaray weerarkaas ugu geeriyooday dalka Canada, halka labada qof oo kale ay dumar yihiin, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada uu weerarkaan ka dhacay ee Toronto.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ee Sahal Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa wiilkiisa, qadartana uu aaminsan yahay, isla markaana ay meydka wiilkiisii Sahal ku soo aaseen qabuuro ku yaalla magaalada Toronto, sidoo kale Aabe Maxamed, waxa uu sheegay in laamaha amniga magaalada ay wadaan baaritaano la xiriira dilka wiilkiisa, balse illaa hadda aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen mas’uuliyiinta dowladda.

138460cookie-checkTIRO SOOMAALI AH OO LAGU WEERARAY DALKA CANADA