Maxaa Dhaliyay Khilaafka Ka Dhashay Hantida Qaranka

Somalia news

Kadib markii si adag loo joojiyay Dhul boobkii Farmaajo & Mahdi Guuleed ee ay Gadaal ka riixaayeen ee la doonaayay in Deynta lagu leeyahay ay ku bedelaan Dhul ku dhex yaal Theatre-ka ayaa la sheegay iney soo kiciyeen Maamulka Gobolka Banaadir oo amar lagu siiyay inuu qarxiyo dagaal siyaasadeed nooc cusub ah oo lagu gelayo magaca ‘Soo celinta Hantida Guud…

Kadib markii ay Maamulka Gobolku dalbadeen in lagu soo wareejiyo maamulka Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee magaalada Muqdisho, Xiisadaan ayaa salka ku heysa Khilaaf xoogan oo bilihii ugu dambeeyay u dhaxeeyay Rooble & Farmaajo kuna aadan Doorashada dadban, Farmaajo ayaa weeraro toos ah ku qaaday Saaxiibada iyo Ganacsatada Saaxiibka la’ah Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Duulaanka 1-aad ayaa waxaa lagu beegsaday Gacan-yaraha iyo saxiibka ugu weyn Rooble oo ah wasiirkisa Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Carab, kaasoo ah Xildhibaan Ganacsade saami badan ku leh Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee Muqdisho, isagoo kusoo galay Hay’adii uu madaxda ka ahaa ee Manhal.

Xilligan kala guurka ah ee Doorashada inay Isbitaalladan ka mid noqdaan dagaal siyaasadeed hoose oo u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay kaliya dhalin doontaa weji cusub oo qalallaase ah iyo inaysan ujeedadu ahayn soo celin hanti guud balse mudada lagu dheereysto talaabadaan oo horseedi karta dagaal sokeeye.

138400cookie-checkMaxaa Dhaliyay Khilaafka Ka Dhashay Hantida Qaranka