Maxaa Wax Looga Qaban La’yahay Cabashada Wakiilada Waqooyiga Dalka

Somalia news

Qeylo dhaan iyo cabsho ayaa ka soo yeereysa Qeybaha metela Bulshada Waqooyiga Somalia, waxeyna ka cabanayaan Caburin, cagajugleyn iyo xarig uu Mahdi Gulleed u geysanayo dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga, ee ku sugan Muqdisho, iyagoo ku eeddeeyey inuu ugu awood sheeganayo kursiga uu ku fadhiyo…

Dadkaan ayaa cod dheer ku sheegay in Mahdi Guulleed uu fara galin ku hayo kuraasta Beelaha Gobolada Waqooyiga, oo uu doonayo inuu saaro dad uu isagu wato, waxeyna dhisteen dalad gaar ah oo ay ku mideysan yihiin, taasoo ay ugu magac dareen midnimo, iyagoo Wasaaradda amniga u direen warqad furan Oo ay ku dalbanayaan, in loo fasaxo qabashada, bannaan-bax ay Kay muujinayaan tacadiyada uu ku hayo Mahdi Gulleed.

Inkasta oo aysan shaacin waqtiga ay dibadbaxa dhigayaan, haddana wasaaradda amniga ayaa aqbashay dalabkooda bannaan-baxa, sida uu warbaahinta u sheegay Sakariye Nuur Saajin, oo ah gudoomiyaha dalada ay ku midoobeen, dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku sugan Muqdisho.

Mahdi Gulleed ayaa si toos ah ula shaqeynaya, Maamulka Farmaajaha Fashilmay ee waqtigiisa dhamaaday, isagoo u qaabilsan in kuraasta gobollada waqooyi, si ay ku soo baxaan Xubno taabacsan Farmaajo, wuxuuse Rooble iyo mucaaradka u matalayaa, nin qunyar socod ah, oo midnimo doon ah.

162260cookie-checkMaxaa Wax Looga Qaban La’yahay Cabashada Wakiilada Waqooyiga Dalka