Ma Dhabaa in Maleeshiyaad Isbaarooyin Dhigteen inta u Dhaxeysa Mogdishu-Masaajid Cali gudud…

Somalia news

Cabsho & Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Dadka Degaanka iyo kuwa Safarada ah, kadib markii Maleeshiyo beeleedyo hubeysan ay tuulooyinka dhowr ah soo dhoobay jidgooyooyin aad u fool xun oo ay lacago baad ah uga qaataan Gadiidka iyo Socotada, iyadoo la sheegay in Ciidmada Dowlada & kuwa Maamulka ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan arxan la waayayaasha…

Wararka ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa Mogadishu iyo Tuulada Masaajid Cali Gudud ay isbaarooyin dhigteen Maleeshiyaadka degaanadaasi isla markaasna weydista Wadayaasha Gadiidka iyo Safareyda Lacago baad ah, halka Dableyda qaarkood jir dilo u geystaan, iyadoo dhacdooyinka Todobaadyadaan dambe ee Maleeshiyaadka Beesha Abgaal ayaa noqday kuwo arxan darro ah.

Warar aan xaqiijin ayaa sheegaya iney jiraan afduub loo geysto Haweenka Wadooyinkaasi ku safraaya kadibna mafax furasho la weydisto, iyadoo inta u dhaxeysa Mogadishu iyo Tuulada Masaajid Cali Gudud la dhigtay ilaa 10-Isbaaro waxey weydisanayaan Lacago baad ah, iyadoo isbaarooyinkaasi ay noqdeen xudunta sharci darrada, iyadoo dhac loo geysto Dadka Rayidka ee ku safraaya Wadadaadi.

Dowlada Federaalka iyo Maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabelle ayaa ka gaabiyay iney wax ka qabtaan Maleeshiyaadka Beesha Abgaal ee dadka ky dhibaaya Isbaarooyinkaasi, “Hadda waxaan la kulmeynaa Dhibaatada Isabaarada, Haddii aan arrintan la soo dhexgelin, dadka deegaanka waxay ku qasbanaan doonaan inay hub qaataan oo ay xornimadooda u dagaalamaan, waayo maleeshiyaadka ayaa ka daran Shabaabka,” ayuu yidhi oday Cabdiraxmaan Geeseey, isagoo codkiisa ka dhiibanaya rajo-beelka bulshada go’doomisay.

295320cookie-checkMa Dhabaa in Maleeshiyaad Isbaarooyin Dhigteen inta u Dhaxeysa Mogdishu-Masaajid Cali gudud…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com