Dagaal Ka Qarxay Magaalada Boosaaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Is-Rasaaseyntii Saakay si gaabis ah ku bilaabtay ay xoogeystay, kadib markii Ciidamada Maamulka ay xalay xireen Gaari iyo Wadihii waday oo Xoogaga PSF Ka Tirsanaa isla markaasna ay ku dhowaadeen difaacyada Xaafada Ridwan..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaare uu ka dhashay Dagaalka Oo iskugu jira Dadka Rayidka iyo Xoogaga Hubeysan, waxaana laga dareemay Guud ahaan Magaalada barakac xoogan Xaafadaha ku dhow halka uu dagaalka ka socdo, sidoo kale Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay Xarumaha Madaxtooyada iyo kuwa PSF-ta.

Ciidamada Dowladda Oo inta badan Magaalada Gacanta ku haya, ayaa Xiray Baraha Kontrolada Ee laga soo galo Magaalada, iyagoo doonayaa iney ka hortagaan in Xoogaga PSF ay gurmad ka helaan degaanada ku dhow Magaalada Boosaaso, Dagaalka ayaa salka ku haya Xilkii Laga qaaday Madaxii PSF.

157260cookie-checkDagaal Ka Qarxay Magaalada Boosaaso