Share the post "Maxaa Xiligaan Keenay Dib u soo Laba-Kacleynta Khilaafka Deni iyo Reer Diano oo Degaanka Xafuun Loogu Xawilay.."
Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa inuu dib u soo laba-kacleynaayo khilaafkii u dhaxeeyay Deni & Reer Diyaano kaasoo salka ku haya dhismaha Warshadii Cusbada ee Degaanka Xaafuun ee Gobolka Bari, iyadoo khilaafka ay sabab u yihiin Dowladaha UAE iyo Israel oo aad u daneynayaan…
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kolonyo Gaadiid Xamuul iyo kuwo dagaal oo 18 isugu jira kana amar qaata PSF (Reer Diano) ay gaareen warshidii hore ee Cusbada ee Degaanka Xaafuun, iyadoo lagu fasiray tagista Kolonyadaan qorshe lagu carqaladeynaayo qorshaha ay Fariisimo uga dhisan lahaayeen Degaanka Ciidamo isku dhaf ah oo UAE & Israel.
Wararka ayaa sheegaya in Hogaanka PSF ay ka caroodeen hakinta uu Deni ku sameeyay Wafdi Safaarada USA Somalia ku tagi lahaayeen magaalada Boosaaso iyo inuu (Deni) ka baxay Heshiiskii dhigaayay in loo fasaxa PSF iney si buuxda ula shaqeeyaan PSF Mashaariicda xoojinta Amniga ee USA, Hogaanka PSF ayaa cabasho ka keenay Shaqsiyaad a hormuud u yihiin 3-daan Nin:-
-Liibaan Muuse Boqor
-Agaasime Cabdi Raabi
-Shaqsi magaciisa lagu koobay in Cabaade.
Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Mr.Deni si laga dareemay ma doonaayo inuu dhameystiro heshiiska ay wada gaareen Hogaanka PSF ee la shaqeynta USA wuxuuna ka door bidayaa inuu dhaqaale, Ciidan, Wakhti iyo Saad u helo si uu mar kale iskugu dayo inuu burburiyo Xoogaga PSF oo uu u arko iney khatar ku yihiin Danihiisa mustaqbalka dhow iyo midka dheerba.