Doorashada Galmudug & Falanqeynta Musharixiinta aan Macnaha Laheyn…

Somalia news

Iyadoo lagu wado in bilaha dambe ee sanadkaan la qabto doorashada Hogaanka Maamulka Galmudug, inkastoo aysan xiiso badan laheyn sababo badan oo is biirsaday awgeed ayna ugu horeyso shaqsiyaad ilaa haatan la hadal hayo, Fursadaha Hogaaminta Maamulkaasi xiligaa adag u baahan tahay in laga fiirsado iyo Saameynta Villa Somalia…

Hadii la rabo in laga hadlo Hogaaminta Dhabta ah ee Maamulka Galmudug waa in la dul istaago Astaamaha Guuleystaha si guul horumarineed oo degaanka dan u ah loo gaaro, iyadoo Musharixiinta loo kala saaraayo Guuleysta qorshe cad wata oo degaanka Horumar gaarsiin kara iyo Ma Guuleyste Gurbaan garab leh wata oo aan wadan qorshe hadaf leh oo wakhtiga ka luminaaya Dadka iyo Degaanka.

Siyaasada Muufeysiga ayaa dhaqan ka noqotay Dalkaan iyo Maamulada beeleysan, iyadoo Kooxo Magacyo Diimeed huwan oo dhaqan xumo siyaasadeed oo loo soo meeriyo la taga degaanka kuwaasoo hirgeliya qorshe ku dhisan “it’s our turn to eat” waa markeenii ee aan cuno, Siyaasadaan waxaa inta badan isticmaala Mas’uuliyiinta markaasi Hogaanka xukunka heysa, iyagoo Musharaxa ay wataan siinaya dhaqaale Kursiga lagu boobo, laakiin Musharaxaasi waxaa laga rabaa inuu noqdo mid baari ah farta ka xiran.

Macno weyn yeelan meyso in la magac dhabo Musharixiinta Dhaqaalaha xaaranta ku helay in lagu boobo Doorashada Galmudug isla markaasna Degaanka dib u dhac u keeneysa, iyadoo Musharaxa looga fadhiyo inuu u istaago danta bulshada (social activist) iyo isku xirka danta guud ee Galmudug, gaar ahaan Musharax hirgelin kara Mashruuca Dhismaha Dekedaha iyo Garoomadq Diyaaradaha ee Degaanka, Nabadeyn kara beelaha oo soo af jari kara dagaalada soo noqnoqda, iyadoo laga fogaanaayo in muufeysi laga raadiyo Nidaamka Dowladnimo, Dhaqanka iyo horumarinta Bulshada loona istaaga in la helo Adeege u nugul in Danta guud loo xusho doorashada Galmudug oo xiligaan adag ka bixin kara.

324830cookie-checkDoorashada Galmudug & Falanqeynta Musharixiinta aan Macnaha Laheyn…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *