Xoogaga Hubeysan Oo Digniino Ka Soo Saaray Xariga Nabadoon

Somalia news

Xoogag Hubeysan oo ka soo jeeda Degmada Cabudwaaq ayaa Eedeyn u jeediyay Maamulka Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamul goboleedka Galmudug, iyagoo sheegay iney si sharciga ka baxsan loo afduubtay laguna Xiray Magaalada Dhuusa mareeb, Nabadoon ka tirsan kuwa degmada Cabudwaaq….

Xoogagaan Hubeysan ayaa sheegay in Nabadoon Bootaan Cusmaan Siyaad oo Dhaliilo u jeediyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo kuna Aadan Doorashada iyo qaabka loo wajahaayo, Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug uu bixiyay amarka lagu afduubtay Nabadoonka, waxeyna Dableydaan ka digeen in Xariga Nabadoonka uu yahay mid sharci darro ah, iyagoo ku baaqay in xoriyadiisa loo soo celiyo shuruud La’aan.

https://fb.watch/2iXz3G2ktR/

78260cookie-checkXoogaga Hubeysan Oo Digniino Ka Soo Saaray Xariga Nabadoon