Maxaa Xiligaan Keenay in Tirada Maleeshiyaadka Shababka ay Kordhaan…

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in 2-dii sano ee u dambeysay ay kordheen Tirada Maleeshiyaadka kooxda Aragagixisada Shababka, Kororkaasi lagu fasiray kaddib marki ay Shababku xoojisay isku daygeeda soo jiidashada iyo xodxodashada Dhalinyarada si ay u qorataan iyo Dhaqaalaha soo galo kooxda oo koror ku yimid…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjoogayaasha kooxdaani iyagoo si gaar ah uga faa’iideysanaya habaca ku yimid Howlgaladii Ciidamada Dowlada Federaalka iyo is-afgaradki horaanti sanadkaan ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Maamulka Hargeysa, kaasoo marki dambe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Somalia iyo Ethiopia.

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in tirada Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka ay xiligaan dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo Maleeshiyaad, ku darsoo 6-dii bilood ee u dambeysay Horgalada iyo Maleeshiyaadka kooxdu waxey dib u qabsadeen dhamaan degaanadii ay ka qabsadeen Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Degaanka, iyagoo haatan khalkhal ku haya Degmooyinka Afgooye & Balcad.

Kooxda ayaa la xaqiijiyay iney ka faa’iideystay Hogaan iyo Maamul xumida Dalka ee uu Hormuudka u yahay Madaxweynaha Somalia, Ma jirto Stratejiyad iyo qorshe cad, wuxuuna muddo 2-sano ah u Horseeday in Ciidamada Dowlada looga adkaado dagaalo dhacay Hub iyo Gadiid dagaalna looga qabaado, Qorshe xumadaan ayaa niyada ka jabisay Ciidamada Dowlada & Shacbigaba.

332210cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Tirada Maleeshiyaadka Shababka ay Kordhaan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *