Maxaa Xiligaan Keenay in Gaadiidleyda Xamuulka Cabasho ka Keenaan Canshuuraad lagu soo Rogay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cabasho xoogan ay soo gudbiyeen iney xamili waayeen Milkiilayaasha Gaadiidka Xamuulka ee isaga goosha Caasimada iyo Gobolada Dhexe, lacago xaad dhaaf oo lagu soo rogay iney bixiyaan…

Wararka ayaa sheegay in Gaadiidleyda Xamuulka ayaa ku dhawaaqay iney shaqo joojin muddo kooban sameyn doonaan, kadib markii Maamulka Isbaarooyinka Gobolka Hiiraan ay soo rogeen Lacago kor u dhaafaya 1000-US$,, iyadoo bil ka hor ay Maamulka qaadi jireen 230-US$, Xoogaga Qaada Dhaqaalahaan ayaa lagu sheegay iney daacad u yihiin Maamulkii Gudoomiyaha Gobolka ee xilka laga qaaday.

Wararka ayaa sheegay in Shacbiga iyo Gaadiidleyda ay isku biirsadeen Baadka Makeeshiyaadka Shababka iyo Horgalo Siyaasada u galay iney macaash badan ka faa’iidaan, iyadoo siyaasad xumida ay horseeday in Horumarka Gobolka uu ka haro kuwa kale, nasiib darrada jirta ayaa ah in Maamulka Villa Somalia iyo kuwa Gslmydug iyo Hirshabelle ay ka gaabiyeen iney ka wax qabtaan dhibaatadaan.

266000cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Gaadiidleyda Xamuulka Cabasho ka Keenaan Canshuuraad lagu soo Rogay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com