Howlwadeen ka Tirsan Degmada Dharkeynley Oo Koox Hubeysan ay Dileen..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay marxuum Xassan Cali Gacal (Moosow) oo ahaa Madaxii Fasaxa dhismaha ee Degmada Dharkenley ee Gobolka Benaadir, iyadoo Marxuumka uu Kaaliye u ahaa Gufoomiyahs Degmada…

Wararka ayaa sheegaya in falka Dilka ah u dhacayay uu Marxuumka ka soo baxay Hoygiisa, iyadoo Eedeysanayaasha tiradoodu lagu sheegay 3-Dabley kuwaasoo markii ay falka geysteen ka baxsaday goobta, Xoogaga Amaanka degnadaasi ayaa daqiiqado kadib tagay goobta, iyagoo ka sameeyay howlgalo iyo baaritaano hordhac ah.

Xiliyadii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid Amniga magaalada Muqdisho, iyadoo lagu eedeeyay Hey’adaha Amniga iney ka gaabiyeen wax ka qabashada falalka Dilalka iyo Burburinta Hantida Shacbiga oo ay geysanayaan Kooxaha Argagixisada.

300820cookie-checkHowlwadeen ka Tirsan Degmada Dharkeynley Oo Koox Hubeysan ay Dileen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com