Ma Dhabaa in Isbedel Lagu Sameynaayo Hogaanka Taliska Ciidamada Xooga Dalka & Sababta…

Somalia news

Hogaanka Villa Somalia oo lagu saluugay hanaanka loo xulo Hogaanada Wasaarada Gaashandhigga iyo Talisyada Ciidamada Xooga Dalka iyo Nidaamka dagaal gelinta ayaa haatan la sheegayaa inuu dhamaad maraayo qorshe dib loogu eegaayo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka, Kuxigeenka, Taliska Lugta & Hogaanada qaarkood..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in markii 3-aad uu go’aansaday Madaxweynaha Dowlada Federaalka inuu isku shaandheeyo Taliyaha, Kuxigeenka, Taliyaha Ciidamada Lugta, Hogaanada qaarkood iyo Qeybaha, iyadoo Taliyaha Ciidamada Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo xiriir aan wanaagsaneyn kala dhaxeeyo Wasiirka Gaashandhiga lana magacaabay bishii Juun 2023-kii ayaa Hogaanka Villa Somalia u saarisay fashilka Qorshaha dagaalka lagula jiro Kooxda Shababka, kaasoo dagaalka oo socda la magacaabay.

Sareeyahaan ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Musuq, Hogaan xumo, iyo wada shaqeyn la’aan Wasiirka kala dhaxeysa iyo Laamaha Amniga ku darsoo inuu Ganacsi la dhex galay Saadka iyo Sahayda Ciidamada, waxaana lagu wadaa in Xilkaan Taliyaha Ciidamada loo wadaa Sarkaal lagu Magacaabo G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo Xiligaan ku magacaaban Gudoomiyaha Maxkamada Dejrada 1-aad ee Ciidamada Dowlada Federaalka.

321670cookie-checkMa Dhabaa in Isbedel Lagu Sameynaayo Hogaanka Taliska Ciidamada Xooga Dalka & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *