Share the post "Maxey Ka Dhigan tahay Siideynta Maxaabiista Mustaqbalka Nabadeynta Dalka.."
Sidii Shalay lagu baahiyay Warbaahinta gudaha Maamul Goboleedka cusub ee Sool oo shalay ku wareejiyeen Dowlada Federaalka 25-Maxbuus dagaal oo lagu qabtay dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee Degmada Laas caanood iyo nawaaxigeeda, inkastoo tiro badan weli lagu hayo Xabsiyada Gobolka Sool..
Maxay Talaabadani muujinaysaa?
Inkastoo dood badan laga keenay qaabka loo wareejiyay Maxaabiistaani hadana Qaar ayaa ku dooday in wareejintaasi ay si bareer ah u taageeri karto sheekada Hargeysa – ee ah inay Mogadishu saameyn ku laheyd dagaalka, halkii ay ka ahaan lahayd Dadka Degaanka, si kastaba ha ahaatee, waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah ee jirta, Intaa waxaa dheer, xanta ah in Maxaabiistani la qorsheeyay in la isku weydaarsanayo laga yaabo inay ka dhacaan Magaalooyinka Addis abeba ama Nairobi, waxayna talabadani sii wiiqi kartaa awooda Dowlada Federaalka ee arrimaha gudaha iyo xoojinta sheegashada Somaliland ee ah inay tahay maamul gaar ah oo u baahan dhexdhexaadin caalami ah.
Khubarada u dhuun daloola Arrimahaan ayaa ku talinaaya in lagu xalliyaa iyadoo loo marayo go’aano siyaasadeed oo cad oo cad oo ay soo saarto Dowladda Federaalka:
– In aan maxaabiis la isku weydaarsan karin meel ka baxsan Somalia, hadii taasi dhacdana waxay wax u dhimaysaa Madax-banaanida Dalka, waxayna ka dhigan tahay in laga sheekeeyo gooni-isu-taagga.
– In laga hortago sheeko kasta oo salka ku heysa ” Garabyo dhexdhexaadka ah” kuwaasoo Maxaabiista (POWs) u diraya Hargeysa, Marka arrimahan oo kale gudaha lagu xaliyo, DFS waxay si adag u cadeyn doontaa inay awoodeeda sharci ku leedahay dhulka waqooyi oo ay ku jirto Somaliland.
Marka ay Qodobadaan kor ku xusan la hirgeliyo, DFS kaliya kuma eka inay xoojinayso awoodeeda sharci iyo siyaasadeed ee ay ku leedahay gobollada waqooyi, balse waxay si weyn u wiiqi doontaa ajendaha gooni-isutaagga Somaliland, haddii ay ahaan lahayd indhaha shacabka gudaha iyo beesha caalamkaba. Waxey Hargeysa ku khasbaysaa iney ku dhaqaaqdo waxa loogu yeero hindisaha nabadeed haddii kale ay la kulanto cadaadis caalami ah.