Maxey Xoogaga Nabadsugida Xabsiga ugu Taxaabeeb Tiro Kooxo Timo-jarayaal ah..

Somalia news

Maalmahaan Maamulka Gobolka Benadir iyo Xoogaga Nabadsugida ayaa waday olole ka duwan howlihii loo igmaday, iyadoo ay soo shaac baxaayaan in xalay Howlgal lagu qabqabanaayo Tiro Koox Timaha jara laga soo qabtay inta u dhaxeysa Xaafadaha Sanca iyo Xaliimo Hiito…

Wararka ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah dadka ay xarigaan uu sameeyay ay sheegeen in aan loo fasirin sababta xuquuqda Muwaadinimo meel looga dhacay, isla markaana aysan garaneyn waxa lagu bartilmaameedsaday ee loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey Degmada Kaaraan.

Xuuraano hordhac ah ayaa sheegaya in Godoomiyaha Gobolka oo sanadahaan howlihii loo igmaday ka gaabiyay uu ku amray Xoogaga Nabadsugida iney soo xiraan dhamaan Tima jarayaasha Degmada Karaan wuxuuna ku eedeeyay Tima jarayaaaha iney noocyo uusan ka helin u xiraan inkastoo dhamaan Askarta Dowlada ay u noocyadaan u xiirtaan.

Waxaase la yaab leh in Hey’adii loo diray iney ilaaliyaan Sirta Qaranka ay ku mashquulaan toosinta Anshaxa iyo dhowrida Asluubta, iyadoo Qaraabada iyo Ehellada Dhalinyarada la xiray qabaan cabsho, maadaama la iska xirtay Muwaadiniin u shaqo tegay nolol maalmeedkooda oo canshuur bixiyaal ah.

331330cookie-checkMaxey Xoogaga Nabadsugida Xabsiga ugu Taxaabeeb Tiro Kooxo Timo-jarayaal ah..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *