Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo Oo Mogadishu Looga Yeeray

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wasaaradaha Gashandhigga iyo Amniga ay u yeereen Saraakiilsha Madaxda ka Ciidamada kala duwan ee ku sugan Gobolka Gedo, kuwaasoo lagu eedeeyay iney Siyaasada ku milmeen, isla markaasna toos uga amar qaadanaayay Maamulkii hore…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiishani ay amar ka heleen mas’uuliyiinta ka sareysa, iyadoo la filayo in wax laga weydiin doono arimo badan oo ka jira gobolkaasi dhinaca ciidamada iyo ku milmashada siyaaaada Gobolka, iyagoo sidoo kale diiday iney ka amar qaataan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Saraakiisha looga yeeray magaalada Mogadishu ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay:-

Taliyaha Meliteriga Gobolka Gedo Warfaa sheekh Aadan Faroole

Taliyaha Boliiska Gobolka Gedo Cabduqaadir Biixi 

Taliyaha NISA Ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke

Sida ay wax u socdaan Hogaanka Dawlad gobolleedka Jubbaland ayaa mar kale gacanteeda dib loogu celin doonaa Gobolka Gedo oo muddo afar sano ka badan ay ka maqneyd lagana maamuli jiray gobolkaasi Villa Soomaaliya intuu Farmaajo ku sugnaa.

191040cookie-checkSaraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo Oo Mogadishu Looga Yeeray