Mowjado Hareeyay Xaalada Siyaasada, Amniga & Doorashada Somalia

Somalia news

Dalka Somalia ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa hareeyay mowjado Siyaasadeed oo khatar ku ah Hanaanka Dowladeed, geedi socodka Doorashada, Amniga iyo kala dambeynta, waxeyna ka dhalatay Kiiska Sarkaaladii NISA (Ikraan Tahliil), Oo Hogaankii xilka laga qaaday sheegeen iney Shababku dileen…

Talaabada uu qaaday Farmaajo aqoonyahannada qaarkood isku raaceen inuu qortay surtay, inuu ugu yaraan wax ka ogaa Afduubka iyo Dilka Ikraan Tahliil, maadama uu dofaacaayo Eedeysanayaasha xalayna xilal u magacaabay (Fahad iyo Farey) oo ka mid ah 4-ta Eedeysane ee lagu tuhunsan yahay Dilka Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Farmaajo ayaa lagu Eedeeyay is-hortaag ku sameeyay Baaraya Kiiska Dilka Ikraan Tahliil loogana gungaaro xaqiiqda ku xeeran Kiiska (Obstruction of Justice), wuxuuna si ula kac ah u abuuray Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni si ay Doorashada dib ugu dhacdo.

Dhanka kale, ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa xaqiijiyay in Horjooge Jiis-Mareexaan iyo Cabbas Yacquub ayaa maanta wadaan abaabul xaflad si hal haleel ah xalay saqdii Dhexe loo abaabulay si Xilka Hogaanka NISA loogu wareejiyo Eedeysane Yasin Faray oo ka mid ah Xubnaha lagu eeda loo heysto, si loo carqaladeeyo kormeerka Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka uu maanta ku tegaayo Xarunta NISA.

139630cookie-checkMowjado Hareeyay Xaalada Siyaasada, Amniga & Doorashada Somalia