Maxkamad Xukun Ku Riday Dembilayaal Kufsi Wadareed Ka Geystay Boosaaso..

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Garsoorka Maxkamadda Rafcaanka ay go’aan ka gaartey xukumanayaal racfaan horay uga soo qaatay xukun ay ku ridey maxkamadda derejada 1aad ee degmada Boosaaso ayna dhibbane ka ahayd Faadumo Siciid Cali…

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa wax ka bedel ku samaysay Xukunkii ay gal-dacwadeedkaan ciqaabta ah horay uga gaartey maxkamadda derejada 1aad, kadib markii maxkamaddu aragtay qoraalada kujira galka, natiijada baaritaanka la sameeyey iyo qiraalka dhibanaha kiiskaan.

Go’aanka maxkamadda derejada 1aad ee golka Bari ayaa u dhignaa sidatan,”Maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba 10 sano oo xarig ah, midkiiba $25,000 0o magdhaw ah, waxaa dhamaan lagu xukumay 13-koodaba 5 halaad oo ah bikra jabin ah, waxayna maxkamaddu faraysaa xafiiska xeer ilaalinta guud in dhibanaha dhaawaca kuyaalla looga samo tallaabo sharciga waafaqsanna laga qaado.

362290cookie-checkMaxkamad Xukun Ku Riday Dembilayaal Kufsi Wadareed Ka Geystay Boosaaso..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *