Ma Dhabaa in Shixnadii Ugu Horeysay ee Qaadka Kenya Lagu Wado inuu Mogadishu Soo Gaaro…

Africa News Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Shixnaddii ugu horeysay ee Qaadka Miirowga Kenya, ayaa lagu wadaa iney loo soo dhoofiyo Magaalada Mogadishu iyo konfurta Somalia, maanta oo ku beegan 24-ka Luulyo 2022…

Xogo laga helay Saraakiil ku dhow Hay’adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) iyo Wasiirka Beeraha dowladda Kenya, ayaa sheegay in la dhameeyay dhammaan nidaamyadii loo marayay dhoofinta Qaadka, waxaana la sheegay in 22-Ganacsato ah loo ogolaaday shatiga dhoofinta Qaadka, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii lagu xiray.

Beeralayda Qaadka Kenya ayaa dhexda u galay Khilaaf u dhaxeeya Uhuruu Kenyatta & Farmaajo, waxeyna horseeday in laga xiro suuqyada Konfurta Somalia tan iyo bishii Maarso 2020, waxaana lagu bedelay Qaadka Oromada Kenya.

203280cookie-checkMa Dhabaa in Shixnadii Ugu Horeysay ee Qaadka Kenya Lagu Wado inuu Mogadishu Soo Gaaro…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com