Maxkamadda Gobolka Benadir oo Xukun ku riday Matt Bryden..

Somalia news

Garsoorka Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa maanta ku riday xukun 5 sanno xarig ah isaga Oo maqan Agaasimaha Hay’adda SAHAN Reseach Matt Bryda, kadib markii ay xeer-beegto sheegeen inay ku heleen dembiyo uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud…

Eedeysanaha (Matt Bryda) ayaa Xeer ilaalinta ku eedeysay inuu faafin jiray siraha Qaranka, waxaana xukunka lagu riday isagoo maqan, Sidoo kale, Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucday Hey’adda Sahan Reseach in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Dalka.

Qoraal December 17, 2018 kasoo baxay Wasaarada Amniga ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Somalia”.

147770cookie-checkMaxkamadda Gobolka Benadir oo Xukun ku riday Matt Bryden..