Nuxurka Khudbada Mr.Farmaajo

Somalia news

Mr.Farmaajo iyo Gudoonka Golaha Shacbiga Ayaan weli ka quusan doorasho qof iyo Cod, sida uu ku cadeeyay Khudbadiisii maanta, wuxuuna mar kale shuruud ku xiray in Go’aanada lagu Gaaro Dhuusa mareeb-3 uu dib ula soo laaban doono Xildhibaabada….

Marka si Dhab ah loo taxliiliyo Khudbada Mr.Farmaajo waxaa aan shaki ku jirin in tahay Jug Jug meeshaada joog, waxaa weli muuqda in weli halkii la kala taagan yahay oo aan weli xaalku fari ka qodneyn, Madaxweynhu wuxuu ku adkeysanayaa in heshiis siyaasadeed uu horay u dhacay, sharcigii doorashooyinka Xukuumadda soo diyarisay, heshiiskii shirkii Baydhabo uu ahaa in doorasho qof iyo cod inay dalka ka dhacdo 2020/21, hase ahaatee Dowlad Goboleedyada ay rabaan doorashadii dadbaneyd ee 2016 oo kale.

Sidoo kale Baarlamanka uu yahay marjacii ka wakiilka ahaa dowlad goboleedyada iyo Shacabka, sidaas darteed wixii heshiis ah ee uu la soo gaaro Dowlad Goboleedyada uu dib ugu soo celin doono.

Isku soo wada duub, waxaa shaki ku jirin in Mr.Farmaajo iyo Kooxdiisu ay diyaar u aheyn iney tanaasulaad la yimaadaan si Dalka iyo Dadka loo Badbaadiyo, iyadoo ay dhici karto in Shirka Dhuusa mareeb-3 ay ka soo bixi doonaan nooc doorasho oo la mid ah tii 2016-kii oo la balaariyay ergada wax dooraneysa 500-1000 qof.

54280cookie-checkNuxurka Khudbada Mr.Farmaajo