Maamulka Hargeysa Oo Kulan Ka Yeeshay Heshiis

Somalia news

Maamulka Somaliland iyo Xisbiyada halkaasi ka dhisan ayaa shalay shir deg-deg ah iskugu yeertay Odayaasha dhaqanka, kaasoo lagu daminayo Muranka iyo xiisadaha ka dhalatay Saami-qeybsiga doorashooyinka….

Muranka ka dhashay saami-qeybsiga oo ay ka qeyb ka tahay Saraakiisha ka tirsan dowladda Federaalka oo adeegsaneysa xubnaheeda kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa dhaliyay guux si weyn looga dareemay gudaha Somaliland.

Xisbiyada mucaaridka iyo maamulka Muuse Biixi ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ay ku sheegen in gebi ahaanba lagu soo afjarayo khilaafkii dabada dheeraday ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka, iyaga oo go’aamiyeyna in doorashada lagu galo saami-qeybsigii hore oo beelo badan oo dega Somaliland ay ka muujiyeen cabasho xoogan.

Inkasta oo aan is-afgarad buuxa laga gaarin kulankii shalay, haddana waxa loo balamay kulamo dambe, xili ay kulankii isku fahmi waayeen odayaal dhaqaameedkii iyo xukuumada oo la safan-yihiin xisbiyada mucaaridku.

49020cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Kulan Ka Yeeshay Heshiis