Midowga Africa Oo Ku Kala Qeybsanay Xalinta Khilaafka Doorashada Somalia

Somalia news

4-tii sano Ee Maamulka Dowladda Federaalka majaraha u hayay Somalia ayaa lagu fasiri karaa inuu ku sifoobay Qas-wade kala qeybiyay Shacbiga Soomaaliyeed, Maamul xumo, Julia’s riwaayad khiyaali ku dhisan, isagoo wada kasta sharci darro ah u maray inuu joogistii Maamulka noqoto mid hirgaasho xitaa hadii dhiig Shacbiga loo daadinaay…

Aragtida “Kala qeybi oo xukun” ayuu (Farmaajo) gaarsiiyay Golaha AU-da, kadib markii kala qeybsanaan soo kala dhex gashay Midowga Africa kuna aadan wada hadalada Xalinta Khilaafka Doorashada Somalia, iyadoo AU-da u xusheen Ergaygooda Madaxweynihii hore Ee Ghana John Mahama inuu hogaamiyo Dib u heshiisiinta Somalia, inkastoo uu cabasho ka keenay Farmaajo uu codsaday in la bedelo.

Mahama Waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay nin dowladeed marka la joogo Africa, hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in khilaaf xoogan uu Ururka soo kala dhex galay, iyadoo Ururka uu laba garab u Kala jabay, talaabadaan ayaa noqoneysa mid aan u daneyneynin Somalia isla markaasna lagu majaxaabinaayo Qadiyada Doorashada Dalka.

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan Nigeria, Ethiopia iyo Eritrea ay dusiyeen macluumaad gaar ah iyo kuwo xasaasi ah oo ay ku jiraan wada sheekeysi gaar ah, waxeyna dhaqdhaqayadaani wiiqi karaan geedi socodka Xalinta Khilaafka Doorashada Somalia.

118290cookie-checkMidowga Africa Oo Ku Kala Qeybsanay Xalinta Khilaafka Doorashada Somalia