Ciidamada AMISOM oo waqti kordhin loo sameynayo!

Somalia news

Howlgalada Ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa lagu wadaa in waqtiga loo dheereeyo marka la gaaro 31-ka December 2021 waxaana looga dhigayaa iney Dalka sii joogayaan ilaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo inuu hirgalo Qorshaha qabsoomidda Doorashooyinka Dalka…

Go’aankaan ayaa kasoo baxay kulan Talaadadii ay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Guddiga Ammaanka iyo Nabadgalyada sida lagu cadeeyay bayaan kasoo baxay fadhigooda kadib.

Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka Afrikaanka ah ee Dalal kala duwan.

15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midowga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt and Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique & Senegal.

Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

118320cookie-checkCiidamada AMISOM oo waqti kordhin loo sameynayo!