Argagixisada Shababka Oo Culeys Ku Haya Maamulka Qorqor

Somalia news

Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada ay Galmudug maamusho, iyadoo Dhowr iyo toban sano oo Xoogaga Ahlu Sunna ka arrimineysay Gobolada Dhexe uu amnigeedu ahaa mid la isku haleen karo, Shabaabkana ka Quustay..

Kooxda Shabaabka ayaa waxay Axaddii la wareegeen deegaanada Beergadiid iyo Bacda oo hoos-tagga Magaalada Matabaan, halka Isniintii ay la wareegeen Degmada Matabaan, iyadoo Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa kastamka canshuuraha ee Matabaan ay aadeen dhinaca Magaalada Guriceel, Kooxdaan ayaa sidoo kale goor dambe oo xalay ahayd la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, Ciidamadii Galmudug ayaa u ruqaansaday dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhowr qarax, oo Shabaabku ku burburiyeen Xaruntii Maamulka iyo Saldhiggii Booliska ee Ceeldheere, sidoo kalena ay dab qabadsiiyeen Xeradii Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu ku lahaa deegaankaasi, Kooxdaan ayaa culeys ku hayay deegaanada Galmudug, iyadoo maanta aanay dadku si caadiya isugu kala gudbi karin magaalooyinka, Maamulka Qorqor uu dalxiis ugu maqan yahay Turkiga.

156140cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Culeys Ku Haya Maamulka Qorqor