Milkiilaha Astaan-tv Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xiriir La Leeyahay NISA

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Gooni isutaaga Somaliland ayaa sheegaya, in maalintii shalay la horgeeyay Maxkamada Gobolka Milkiilaha Astaan-tv Mr.Cabdirahmaan Yuusuf Maxamed oo ku dhowaad 40-maalmood u xirnaa Xoogaga Amnaaka Maamulka Hargeysa…

Milkiilaha Idaacada la iska arko (TV), ayaa la sheegay in dacwad ay ku soo oogeen Xafiiska Xeer ilaalinta, iyagoo ku eedeeyay inuu basaas u yahay Agaasimaha NISA iyo Ganacsiga warbaahinta u adeegsaday si ka baxsan warbaahinta, iyadoo la sheegay in Qareenka Milkiilha Astaan-tv uu been abuur ku tilmaamay eedeynta loo heysto Mr.cabdirahmaan, isla markaasna aysan maxakamada aysan awood u laheyn iney qaado Dacwadiisa.

Garsooraha dhageysanaayay Dacwada ayaa soo xiray fadhiga, isagoo amray in fadhi kale la isugu yimaado dhowaan, xariga Milkiilaha Astaan-TV ayaa fadeexad iyo sumcad xumo kala soo gudboonaatay Maamulka uuse Biixi, isagoo lagu eedeeyay inuu afduubtay muddo todobaad ka badan Dhibanaha, kadibna lagu wareejiyay Xoogaga amaanka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Milkiilaha lagu heysto inuu saami ka bixiyo Shirkadiisa si khasab ah taasoo uu diiday.

56670cookie-checkMilkiilaha Astaan-tv Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xiriir La Leeyahay NISA