Ma Qor-qor Ayaa Isbedel Ku Yimid Mise Mucaaradka Ayaa La Marin Habaabinayaa

Somalia news

Tan iyo markii ay soo baxewn Muranka daba dheeraday ee Hanaanka Doorashada iyo Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay ayaa waxaa soo shaac baxaayay in Madaxweynaha Galmudug uu galibna geed la fariisanaayay Hogaamiyayaasha Maamulada Gobolada Gadoodsan Iyo Xisbiyada Mucaaradka oo dhinac ah iyo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo….

Dhowaan ayeey aheyd markii uu Heshiis la saxiixday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Deni Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dalbaday in Arrimaha Doorashada Federaalka xal laga gaaro si ay u noqoto wadar-ogol, waxaana xusid mudan in Qoorqoor ay shirka Gaalkacyo ku wehliyeen xildhibaannada mucaaradka ah ugu waaweyn ee culeyska siyaasadeed uu ka heysto.

Inkastoo Madaxweynaha Galmudug uu si toos ah uga shaqeynayo Dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, uuna magacaabay Guddigii Doorashada, isla markaana ogolaaday in la xareeyo Guddigaasi, haddana wuxuu si farsameysan iskugu dayaa inuusan ka careysiin Xikdhibaanada miisaanka ku leh Galmudug iyo Musharixiinta kasoo jeeda degaankiisa oo ku marin habaabay kala duwanaanshaha falalkiisa iyo qowlkiisa.

Wuxuuna Saaxiibadiis ku xan qarsadaa inuu yahay Siyaasi ruug cadaa ah oo Khibrad u leh inuu maareeyo Marxaladaha ee la soo cudboonaya iyo Qancinta Kooxaha isku haya Siyaasada Dalka, Arrinta bannaanka keeni karta Madaxweynaha Galmdug ayaa ah qabashada Doorashada Aqalka Sare haddii Madaxweyne Farmaajo iyo Guddigiisa Doorashada ku adkeystaan inay dhacdo, inkastoo taas lafteeda ay caqabado heystaan, waxayna xaaladaasi u ogolaaneysaa Axmed Qoorqoor jilitaanka Riwaayadiisa siyaasadeed iney albaabada ka soo xirmaan, (Loogow Looba Joogee).

82210cookie-checkMa Qor-qor Ayaa Isbedel Ku Yimid Mise Mucaaradka Ayaa La Marin Habaabinayaa