Shaqaalaha Caafimaadka Gobolka Oo Dhaqaale Xumo Ka Cabanaaya

Somalia news

Qeylo dhaan ka soo yeereysa Qaar ka mid ah dhalinyarada degmooyinka gobalka Banaadir ee qeybta ka ahaa olalaha ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, ayaa sheegay in Wasaarada Caafimaadka iyo maamulka Gobolka Benadir aysan bixin Gunooyinkii (mushaarkii) dhalinyaradii howshaan waday muddo 2-bilood ah….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u soo dusisay in Mushruuc wacyi gelin ah oo soconayay muddo laba bilood ah, bishiina lagu qaadanayay lacag dhan 425$ ayaa la siiyay dhalinyarada Muqdisho, hase yeeshee waxaa ilaa hadda ka maqan lacagtaas, Mushruucaan ayaa soo dhamaaday 30-kii bishii July ee sanadkaan waxaana wixii markaas ka dambeeyay albaabada laga xirtay dhalinyaradii howshaan waday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay wajahayaan jahwareer islamarkaana loo sheegay in aanan lasiin doonin xuquuqda ka maqan, Sidoo kale dhalinyaardaan ayaa qaabilsanaa diiwaan gelinta dadka uu cudurkaan haleelay, waxeyna ka soo diiwaan gelin jireen xaafadaha taas oo ay kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Farmaajo ee xiligiisa dhamaadka yahay oo looga jawaabayo cabashada dhalinyaradaan ay ka maqantahay xuquuqdii ay lahaayeen.

56640cookie-checkShaqaalaha Caafimaadka Gobolka Oo Dhaqaale Xumo Ka Cabanaaya