“Milkiilaha Dowlada Waa Fahad Yasin, Mana Laga Yeelayo Burburin Siyaasadeed”

Somalia news

Madaxweynihii hore ee Somalia Mr.Xasan Sheekh Maxmuud oo ka qeybgalay Barnaamij dood wadaag ah oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in milkiilaha dowladda hadda jirta uu yahay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Nabad-sugida Qaranka….

Wuxuu ku eedeeyay in uu waddo sida uu hadalka u dhigay burburin siyaasadeed isaga oo yiri”  Fahad Yaasiin markii hore wuxuu la wareegay Madaxtooyada, balse waa la ogaa sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabad-sugida ayuu burburiyay, haddana wuxuu rabaa in uu siyaasadda dalka burburiyo.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku darray in shirarka u socda siyaasiyiinta mucaaradka yihiin kuwo salka ku haya siddii looga hortagi lahaa qorshaha madaxtooyada ee ah in Askarta dowladda laga dhigo guddiyo doorasho.

Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Fahad Yaasiin oo horay u soo noqday Wariye ka tirsanaa TVga Al-Jaeera ayaa ah shaqsiga ugu hadal qeynta badan marka la eego guud ahaan Mas’uuliyiinta Dowlada, waana shaqsiga eedeymaha ugu badan ee guddiyada doorashada loo jeedinayo, hasse ahaatee dhankiisa ma jirto wax jawaab ah oo uu ka bixiyay dhamaan eedeymahaan.

74050cookie-check“Milkiilaha Dowlada Waa Fahad Yasin, Mana Laga Yeelayo Burburin Siyaasadeed”