Maamulka Farmaajo Oo Taageeray Tacadiyada Abiy

Somalia news

Golaha Xuququda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday kuna anisixiyey abuuritaanka Guddi Khubaro Caalami ah oo baaritaan ku sameeya tacaddiyada Xuquuqda aadanaha ee dalka Ethiopia ayna Wada geysteen Ciidamada Dowladda Ethiopia kuwa Amxaarada iyo TPLF…

Codaynta ayaa dhacday kadib Kulan shalay looga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Ethiopia, taasoo Saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Sokeeye ee Ethiopia uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka, isla markaasna abuuri kara barakaca qaxootiga.

Codaynta shalay la qaaday ayaa 21-Dal oo ka mid ah Wadamada ku jira Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan, halka 11 ay ka aamuseen, Dalalka ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Europe, USA, UK iyo Germany, halka kuwa ka soo horjeesteen ay ku jraan Somalia iyo Eritrea, Waddamada ka aamusay waxaa ka mid ah Senegal, Libya,Malawi yo Sudan.

https://www.reuters.com/world/africa/ethiopia-conflict-marked-by-violations-all-sides-mass-arrests-un-2021-12-17/?taid=61bc67db92a8110001a3f3e8&utm_campaign=trueAnthem:+Trending+Content&utm_medium=trueAnthem&utm_source=twitter

156540cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Taageeray Tacadiyada Abiy