Luqada Turkiga & Saameynta Ciidamada Gorgor

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Mugdi hareeyay Saameynta Luqada Turkiga Ee Ciidamada Dowladda Federaalka oo 6-dii sano Ee ugu dambeysay Tababaro u fidinaayay Ciidamada gaarka ah ee Gorgor, kuwaasoo fuliya Howlo gaar ah….

Ciidamadaan ayaa u xilsaaran la-dagaalanka argagixisada iyo Xasilinta Magaalooyinka, inkastoo ay howlgala qaarkood la sheegay iney tacadiyo geystaan, Ciidamadaan ayaa isugu jira kuwo lagu tababaray Dalka Gudihiisa iyo kuwo loo qaado Dalka Turkey, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn xaqiiqda farqiga u dhaxeeya labada Tababarja labada Ciidan.

Xogo la helay ayaa tilmaamaya in Tababarada Ciidamadaan lagu siiyo Luqada Turkish ah, iyadoo ay awoodi karaan iney ku dhaartaan talaabadaan ayaa muujineysa inuu jiro tuhun ah in Ciidamadaan loo diyaariyo sidii ay u difaaci lahaayeen Danaha Turkiga iyo Xulufadiisa (Qatar) Ee gudaha Somalia.

Saxaafada Turkiga ayaa werisay in Loolan xoogan ay sanooyinkii ugu dambeeyay ay kula jireen Dalalka Sacuudiga Egypt, UEA iyo Reer Galbeedka, kuwaasoo doonaya iney ugu yaraan hoos u dhigaan Saameynta Turkiga Ee Ciidamada Somalia ama meesha ka saaraan Maamulka Ankara.

74080cookie-checkLuqada Turkiga & Saameynta Ciidamada Gorgor