Share the post "Miyeey Dekeda Garacad Oo isku Heystaan Saami-Iibsiga Shirkado Turki & UAE…"
Warar hordhac ayaa laga helayaa olole xoogan oo salka ku heysa Saami Iibsiga Dekeda Garacad oo Udub dhexaad u noqotay loolanka Turkiga iyo Imaaraadka, iyadoo Maamulka Deni ee Puntland uu u ololeynaayo in Imaaraadka laga iibiyo Saamiga ugu Badan oo dhan 51%…
Xogo laga helayaa Xiisadaan ayaa daaha ka rogaayo in Ganacsatada Saamileyda ka ah Dekeda Garacad ay ka cago jiidayaan iney ka iibiyaan Shirkad DP World ee UAE kuwaasoo horey u balanqaaday iney dhisayaan Wado ka baxda Magaalada Garacad oo tagta Wadada ee ku xirta Degaanka Galdogob, Ujeedka UAE ayaa ah iney Maamulaan Dekedaha Dalalka Badda Cas & Geeska Africa, mashaariiciid horumarineyd aysan ka fulin.
Halka Shirkaddo Turki ah ay daneynayaan iney Saamiga Dekeda Garacad oo ay dhiseen, Sida Wararku sheegayaan Turkiga oo ka faa’idaysanaya xiriirka wanasgsan ee xiligaan la leeyihiin Hogaanka Villa Somalia, waxeyna culeys ku saarayaan inuusan saxiixin Qorshaha iyo Heshiiska Dekeda Garacad ee Imaaraadku wato.
Loolankaan adag ee Turkiga iyo UAE oo saamayntiisu ay khatar gelin karto Dowladnimada Dalka oo xiligaan u nugul, iyadoo Muwaadiniin Soomaaliyeed ay ka digayaan in Shirkadda DP World ee UAE aysan ilaa hadda Crane keenin Dekada Bosaso, runtii awood iyo dhaqaale waxay geliyeen Dekeda Berbera, Waxaan is leeyahay dekada number one u ah waa Berbera waxa kale waaa boos celis, iyo inaan dal cadow ku ah uusan la wareegin.