Maxbuus Soomaali ah Oo Dembiyo Argagixiso loo heysto oo la diiday in la sii daayo

Somalia news

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in Maxbuus lagu magacaabo Guuleed Xasan Duraan oo Dowlada Mareykanka ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxaha argagixisada laguna hayo xabsiga gaarka ah ee Guantanamo bay ee Jasiirada Cuba, ayaa la go’aansaday in lagu sii hayo Xabsiga…

Ninkaan oo ka soo jeeda Somalia ayaa muddo dheer ku doodaayay in la dii daayay bacdamaa uu intiibuu xirnaa muujiyay asluub wanaag, inkastoo ay Xafiiska Xeer ilaalinta ay ka soo horjeysteen Doodaha Qareenka Maxbuuskaan, kadib markii dib u eegis lagu sameeyay Dembilayaasha noocaan oo kale ah.

Nidaamkaan oo uu jideeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr.Obama ayaa ka faa’iideystay tiro badan oo Maxaabiis ah, ayaa hadana nasiib darro uusan Duraan ka mid noqon, waxaana culeys xaaladiisa ka dii dhigtay iyadoo aysan jirin Dowlad sal adag oo maareyn karta Xaalada Maxbuuskaan, ku darsoo Kooxdii uu taageersanaa oo weli dagaalo ka wada gudaha Somalia.

Qareenka Duraan ayaa weydistay Garsooraha Maxkamadda Federaalka inuu soo fara geliyo kiiskaan wuxuuna ku eedeeyay Maamulkii Trump iyo kan hadda ee Biden iney ka dhego adeygeen iney fuliyaan Amarkii Madaxweynihii ka horeeyay.

226950cookie-checkMaxbuus Soomaali ah Oo Dembiyo Argagixiso loo heysto oo la diiday in la sii daayo