Shaxda Aqalka Sare Ee Musharixiinta Puntland Oo La Shaaciyay

Somalia news

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee uu soo saaray Madaxweynaha Puntland waxaa looga takhalusay Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku jiray damac Xildhibaannimo ah waxaana ka mid ah Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim oo booskiisa lagu bedelay dhinaca saami qeybsiga beelaha C/samad Abwaan oo ah Guddoomiyaha Gobolka Bari…

Sidoo kale La Taliyaha Amniga ee Farmaajo Cabdisaciid Muuse oo Xildhibaan u sharaxnaa ayaa isna waxaa lagu dilay oo Kursigisa la keenay Aqalka Sare Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ay isku jufo hoose yihiin.

Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay Puntland ka qabsoonto maalmaha soo socda kadib marka la magacaabo guddiga ldhibaannada ah oo qabanaya doorashadaas.

134060cookie-checkShaxda Aqalka Sare Ee Musharixiinta Puntland Oo La Shaaciyay