Ma Dhabaa in Xasan Sheekh uu 3-Ajande u tagay Magaalada Kismaayo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Safarka Madaxweynaha Dowlada Federaalka ku tagay (shalay) magaalada Kismaayo uu xambaarsan yahay 3-Ajande, iyadoo laba ka mid ahi aan la shaacin halka mid kale uu yahay dardar gelinta Dagaalka kooxda Argagixisada..

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jubbaland (Axmed Madoobe) uu diiday qorshe uu horey u oggolaaday kaasoo ahaa in 1300 oo Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eritrea laga howgeliyo, iyadoo Mr.Axmed Madoobe uu shaki ka qaaday Ciidamadaasi oo la la xiriirinaayo Maamulkii hore (Farmaajo & Fahad) iney Daacad u yihiin.

Qodobka 2-aad ayaa lagu sheegay in Labada Shaqsi ay ka wada hadlayaan sidii Xal loogu heli lahaa Xiisada ka taagan Gobolka Gedo, iyadoo Mr.Madoobe uu saluugay sidii ay Villa Somalia u wado Qorshaha, wuxuuna magacaabay Mas’uul ka soo jeeda Gobolkaasi si uu u carqaladeeyo Dadaalada Senator Fartaag, waxaana la sheegay in Gudoomiye Gobol oo uu magacaabay Axmed Madoobe loogu geystay Dhaawacyo daqaro ah magaalada Garbahaarey.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu safarka Kismaayo kadib uu kormeer ku tegi doono Gobolka Gedo isagoo ka qeyb geli doona kulan Siyaasiyiinta & Odayaasha Dhaqanka ku gaari doonaan Heshiis ka hor inta aan la dhisin Masmul hoos taga Maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Qorsheeyay in Axmed Madoobe uu ku qanciyo inuu xilka ka dego bisha August ee Sanadka soo dambe ayna tartan furan kaga qeyb galaan Siyaasiyiinta Gobolka Gedo di loo helo Jubbaland oo loo dhan yahay taasoo ay adag tahay inuu oggolaado Acmed Madoobe.

244550cookie-checkMa Dhabaa in Xasan Sheekh uu 3-Ajande u tagay Magaalada Kismaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com