Kenya Faraha Kula Jirta Kala Qeybinta Somalia

Somalia news

Waxaa in muddo ah dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo dhan ka ah Somalia ay wadeen Maamulka Uhuruu ee Kenya, iyagoo ujeedada ka dambeysay ay tahay sidii loo kala dhantaali lahaa Midnimada iyo Wadajir ka Somalia, iyagoo kaashanaaya Dalalka deriska iyo Maamulo gooni goosad ah…..

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Diinah.com news in Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka Kenya ay isla meel dhigeen qorshe balaaran oo lagu qeybinaayo Gobolada Dalka Somalia, iyadoo Barlamaanka Kenya Loo gudbiyay hindise sharciyeed lagu riixaayo qorshe aqoonsi loogu raadinaayo Maamulka Hargeysa.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Xisbul Xaakimka Kenya ee Jubalii iyo Kan Mucaaradka ee ODM ay iska kaashanayaan sidii sidii loo wiiqi lahaa Midnimada iyo Wadajirka Somalia, isla markaasna loo yareeyo cabsi ka dhalan karta Somaliweyn, ayuu sheegay Sarkaal Ka tirsan Maamulka Uhuruu.

Wuxuuna intaasi raaciyay “Kani ma ahan Mashruuc u gaar ah Jubalii ama ODM, balse waxey khuseysaa dhamaan Kenya, Somaliland Oo Xasiloon, Waxey Kenya Siineysaa awood ay kaga hortagto khartaha amni ee Xuduudeeda Bariga, Xusuusnow Sanadka dambe waxaan kala Soo baxeynaaa Somalia Ciidamadeena ka howlgala.

“Inaan Saaxiibo la noqono Ethiopia, Somaliland iyo Xasiloonida Degaanada Jubbaland waa danteena guud ee ugu horeysay, ayuu hoosta ka xariiqay Sarkaalkaan.

Maamulka Villa Somalia Oo muddo xileedka dhamaadka ka yahay, isla markaasna aan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin Kenya ayaa horey u sheegay in Kenya Kursiga UN-Ka ay u adeegsaneyso dhibaateynta Midnimada Wadajirka Somalia.

46820cookie-checkKenya Faraha Kula Jirta Kala Qeybinta Somalia