Mr.Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xayiray Sharciyo Muhiim Ah

Somalia news

Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Mr.Farmaajo inuu hortaagan yahay inuu saxiixo Sharciyo cusub oo laga soo ansixiyay Labada Aqal, isagoo aan weli si rasmi ah u saxiixin sharciga madaxa-banaanida Hantidhowrka…

Xafiiska Madaxweynaha ayaa Muddo Waxaa yaala 11-sharciga, Kuwaasoo dhaqan-gelintooda ay ku xiran tahay inuu saxiixo isla markaasna Dikereto uu ku soo saaro Faafinta rasmiga ah ee Madaxtooyada, Sharciyadaan Waxaa ugu muhiimsan midka hanti-dhowrka qaranka oo kamid ah 21-sharci oo uu meel mariyay Barlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa ayaa sheegay “Farmaajo ayaa sharcigaasi ugu dhagan danno shaqsiyeed, xili uu rabo inuu go’aanka kama dambeyska ah ee magacaabista hantidhowrka uu noqdo mid kasoo baxa xafiiskiisa”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan lagu dhaliila inuusan xiliyada loo baahna meel-marin sharciyada muhiimka ah ay soo ansixiyeen baarlamaanku ee ay u gudbiyaan.

52570cookie-checkMr.Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xayiray Sharciyo Muhiim Ah