Mrs.Laing Oo Daaha ka Qaaday Fursadaha iyo Khataraha ku horgudban Horumarka Somalia..

Somalia news

Ergeyga Qaramada Mudoobay ee Xilika ka sii degeysa ee Somalia Mrs.Catroina Liang ayaa sheegtay in Somalia Hiigsiga Qaran-jirsiga ee Sanadka 2026-ka ifafaalihiisu durba shaqeynaayo in Dalkaan uu leeyahay Xeebta ugu dheer Africa ayna jiraan Fursado is dul saaran sida Kireynta Dekedaha, ka faa’iideyga Kaluumeysiga iyo Shidaalka ee xeebaha…

Waxeyse ka digtay iney jiri karaan fursado ka dhex dhasha Ujeedooyinkaasi, iyadoo sheegtay in haboon tahay in la isku dheeli tiro Kaluumeysiga, Baarista Shidaalka iyo Gaaska ee xeebaha, Ergeyga ayaa ka digay in Muuqdaan ifafaalo soo dedejin karta xaalada jilicsan ee Amniga Dalka, iyadoo kooxaha Argagixisada iyo kuwa Burcad badeedka uu hunguri ka geli karo.

Mrs.Laing ayaa sidoo kale ka digtay halista isbedelka Cimilada iyo sumeynta Hawada ee karboon ogsayidka (CO2), iyadoo ku dhiiri gelisay Dowlada Federaalka iney Shacbigeeda ku dhiiri geliso in laga guuro reer Guuraaga loona guuro ka faa’iideysiga Xeebaha iyo kaluumeysiga, waxeyna kula talisa Dowladda Federaalka iney xoojiso adeegyada talinta Sharciga iyo kan asaasiga ah taasoo suurto gal ka dhigi karta in Shacbigu ay ku noolaadaan nolol aan cabsi iyo caburin ku jirin.

328100cookie-checkMrs.Laing Oo Daaha ka Qaaday Fursadaha iyo Khataraha ku horgudban Horumarka Somalia..