Ma Dhabaa in Saraakiil ka Tirsan Paramiliteriga Russia ay gaareen Degaanada Puntland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa koox ka tirsan Paramiliteriga “Wagner” ee ka dhisan Dalka Russia ayaa si qarsoodi uga degay Degmada Caluula, iyadoo ilaalo xoogan ay ka hayaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland kuwaasoo u kuur galay dhul ay u qorsheysteen iney ka dhistaan Fariisimo…

Wararka ayaa sheegay in Kooxdaani la sheegay iney ka soo jeedaan Dalka Egypt balse ku socday Magaca Wagner Group, kadibna safarka Degmada Caluula waxaa loo soo galbiyay magaalada Boosaaso oo sida la sheegay ay ku soo biireen Xubno ka socda Emaaraadka Carabta, waxaana la sheegay iney isku dhaceen ilaalada Kooxdani iyo xubno ka tirsan PSF.

Xogtaan ayaa sheegtay in Hogaanka UAE ay xiligaan saaran yihiin laba faras mid waa USA/Israel oo fariisino ka dhigtay Jasiirada Suqadara halka Degmada Caluula ay xarumo ka dhisanayaan Kooxda Paramiliteriga Wagner, waxaana muqqata ifafaalo ay iska horimaadyo ku dhex mari karaan Laba Dal Russia iyo USA.

261030cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiil ka Tirsan Paramiliteriga Russia ay gaareen Degaanada Puntland