Ma Dhabaa in Puntland ay Xodxodasho ugu jirto Ciidamadii lagu soo Tababray Eritrea..

Somalia news

Ilo wareedyo amaan ayaa xaqiijinaaya in bilihii ugu dambeeyay ay Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Puntland ay ku howlanaayeen sidii ay u qoran lahaayeen Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eritrea, iyadoo ololahaan ay fududeynayaan taageerayaashii Farmaajo, isla markaasna saluugay hanaanka Maamulka & Hogaaminta ee Maamulka Xasan Gurgurte…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaaiijiyay in Ciidamadaan intooda badan laga soo uruurinaayo Gobolada gaar ahaan kuwa Gedo iyo Sool, waxaana lagu xareynayaa Xerada Xorgoble oo ku taal duleedka Degmada Qardho, Dhalinyaradaan ayaa la sheegay iney ka soo baxsadeen Xeryaha iyo Aagaga Dagaalka ee Gobolka Shabelada dhexe, waxaana rajeynayaan iney uruuriyaan Dhalinyaro tiradoodu lagu qiyaasay 300-400 askari.

Wararka ayaa sheegay in Dulaalinta ku howlan uruurinta Dhalinyaradaan ayaa sheegay in lagula heshiiyay in Shaqsigii loo balanqaaday 300 US$, 100-US$ (waxaa la siinayaa marka uu ka soo tagaayo degaanka uu ku sugan yahay halka 200-US$ lagu siin doono marka uu gaaro xerada PMPF, iyadoo Xerada Degmada Qardho ay ku xiligaan ku sugan yihiin ilaa 100-Askari.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Ciidamadaan, Kuwa Beesha Deni iyo kuwa PMPF ayaa loo diyaarinayaa sidii loogu howlgaliyo doorashada golaha degaanka 3-da Degmo ee ka harsan doorashooyinkii dhinaca ka rarnaa ee laga qabtay Degaanada Puntland.

271500cookie-checkMa Dhabaa in Puntland ay Xodxodasho ugu jirto Ciidamadii lagu soo Tababray Eritrea..